Diyaaradaha Somalia oo lagu amray in ay kasoo degaan dhanka badda kadib markii la ogaaday inuu jiro qorshe….

Diyaaradaha Somalia oo lagu amray in ay kasoo degaan dhanka badda kadib markii la ogaaday inuu jiro qorshe….

daajis.com:-Kaddib markii habeenkii xaley diyaarad rakaab oo ay la socdeen 298-ruux oo laga lee yahay dalka Malaysia lagu soo riday bariga dalka Ukraine, haddaba waa sidee xaaladda bad-qabka diyaaradaha Soomaaliya taga.


Maareeyaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, Cali oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dhawaan ay wax ka badaleen goobaha ay ka soo dagaan diyaaradaha yimaada Soomaaliya, siddaasna ay u yeeleen iyagoo ka cabsanaya in Al-Shabaab ay soo ridaan iyagoo adeegsanaya gantaalada fogfog.

Wuxuu sheegay in diyaaradaha ka soo degga garoonka diyaaradaha ay ku amreen in ay ka soo degaan dhinaca badda ama lix kun oo fiit ay kor uga kacaan garoonka halkii kal hore ay ka soo degi jireen seddeax kun oo fiit.
Mar la weydiiyay sidda uu ula socdaan diyaaradaha soo fadhiista garoonka wuxuu sheegay in markii horre aan lala socon jirin diyaaradaha soo fadhiista garoonka balse waa yaahan dambe aad loola socd diyaaradaha ka soo degga garoonka iyo bad-qabkooda.

Si kastaba, garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa hadda noqday mid caalami ah waxaana maalin kasta soo fadhiista diyaarado caalami ah oo qaar ka mid ay sidaan rakaab ka yimid Yurub iyo Maraykanka.


Waxaa garoonka gacanta ku heysa shirkad laga lee yahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Vavori taasoo dib u casriyeen ku sameesay garoonka.

Seddaxdii sanno ee la soo dhaafay waxaa soo badanayay diyaaradaha soo fadhiisanaya garoonka diyaaradaha iyo dadka ka immaanaya Yurub iyo Maraykanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada