War Deg Deg:- Nin isku Qarxiyay Hoyga Iftiin Xasan Baasto uu ka dagan yahay Kismaayo

War Deg Deg:- Nin isku Qarxiyay Hoyga Iftiin Xasan Baasto uu ka dagan yahay Kismaayo

daajis.com:-Ruux isku soo xiray walxaha qarxa ayaa maanta gelinkii danbe isku qarxiyay guri uu daganaa Iftiin Xasan Baasto oo kamid ah saraakiisha maamulka Jubba ee hogaaminayay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka J/hoose.

Ruuxa weerarka fuliyay ayaa la sheegay inuu gudaha u galay guriga Iftin Xasabn Baasto , waxaana uu isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen ilaalada Sarkaalkan.
 
Ilaa hadda inta la ogyahay lix qof oo afar kamid ah ay askar yihiin ayaa ku dhimatay ku dhawaad 5 kale oo ay ku jiraan dad shacab ahna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray.
 
Iftiin Xasan Baasto oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkan uu geystay ruux naftii hure ah, isagoo sheegay in ay ka hortageen ciidamo ka tirsan ilaaladiisa, wuxuuna xusay in afar askari ay uga dhimatay weerarkaasi.
 
Saraakiisha maamulka Jubba ayaa ku eedeeyay weerarkan in ay ka danbeeyay xoogagga Al-shabaab, haseyeeshee ma jiro wax war ah oo ku saabsan arintaasi oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab.
 
Iftiin Xasan Baasto ayaa kamid ah saraakiisha horkaceeysa howlgallo maalmihii u danbeeyay ka socday deegaanada dhanka koonfur galbeed uga beegan magaalada Kismaayo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada