Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Soomaaliya oo amar ku bixiyay inuu xilka wareejiyo taliyihii hore ee Booliska

Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Soomaaliya oo amar ku bixiyay inuu xilka wareejiyo taliyihii hore ee Booliska

daajis.com:-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku amray Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Jeneraal C/xakiin Daahir Saciid (Saacid), inuu xilka ku wareejiyo Taliyaha cusub ee la magacaabay.

Jeneraal Saacid ayaa ka horyimid xil ka qaadista uu Ra'iisul Wasaaraha ku sameeyay isla markaana xilka ku wareejiyo Talyaha cusub ee Ciidanka Booliska Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, oo la magacaabay 9-kii bishaan.

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska, taasoo uu Taliyihii hore uu ku tilmaamay inay tahay sharci daro, isla markaana ku andacoonaayay in Madaxweynaha kaliya uu xilka ka xayuubin karo.

Wararka laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in shir gaar ah oo ay Villa Somalia ku yeesheen Madaxweynaha, Wasiirka Amniga Qaranka, Taliyaha cusub ee Booliska, Taliyaha Booliska ee Amisom iyo General Saacid, ayaa looga hadlay muranka arintaasi ku saabsan, iyadoo Madaxweynuhu ka dalbaday in Taliyihii hore Booliska in maalinimada Sabtida uu xilka wareejiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka aamusnaa khilaafka ka dhashay xil wareejinta iyo magacaabista Taliyaha cusub ee Booliska, iyadoo markii danbe uu soo farageliyay, go'aan cadna ka gaaray xalinteeda.

Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliyeed Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada