Diyaarado Dagaal oo maanta Duqeyn ka geestay Degmada Jilib iyo Al-Shabaab oo dhankooda rasaas ku riday Diyaaradaasi

Diyaarado Dagaal oo maanta Duqeyn ka geestay Degmada Jilib iyo Al-Shabaab oo dhankooda rasaas ku riday Diyaaradaasi

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhaxe ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka Dowlada Kenya ay maanta duqeyn culus ka geesteen Duleedka Degmadaasi.

Dad kusugan Degmada Jilib ayaa Warbaahinta u sheegay in Diyaarad joog hoose ku duuleysay maanta lagu arkay Degmada Jilib iyo Duleedkeeda , waxaana la sheegay in dagaalyahano katirsan Shabaab ay rasaas ku fureen Diyaaradaasi.

Diyaarada Kenya laga lahaa ayaa xiligaa kadib duqeyn waxa ay ka geesatay Duleedka Degmada Jilib gaar ahaanahalkii rasaasta looga soo riday , walina lama oga qasaaraha ka dhashay duqeynta ay maanta geesatay Diyaarada dagaal ee laga leeyahay Dalka Kenya.

Ma jiro wax war a oo kasoo baxay XarakadaAl-Shabaab oo kataliya halka la duqeeyay iyo Saraakiisha Kenya oo iyagu masuul ka ahaa duqeynta maanta Diyaarada Dagalaka Kenya ka geesatay Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhaxe.

Diyaaradaha Dagaalka Kenya ayaa marar kala duwan waxa ay duqeymo ka geesteen Degmada Jilib iyo Deegaano kale oo gacanta ugu jira Al-Shabaab , Duqeymaha ayaana la sheegay inta badan in qasaaro kasoo gaaraan dad rayid ah oo kusugan goobaha ka duqeeyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada