Daawo Sawirada:- Diyaarado badan oo ku bur buray Dagaal kasocda Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Tripoli

Daawo Sawirada:- Diyaarado badan oo ku bur buray Dagaal kasocda Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Tripoli

daajis.com:-Magaalada Tripoli ee Caasimada Dalka Liibiya waxaa kasocda dagaal culus oo u dhaxeeya Maleeshiyaad hubeesan kuwaa oo ku dagaalamaya gacan ku heynta goobo muhiim ah ay ku jirto Garoonka Diyaaradaha.

Maleeshiyaadka Zintan oo gacanta ku haya Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Magaalada Tripoli ayaa dagaal culus kadib dib u riixay maleeshiyaadkii misrata ee weerarada kusoo qaaday.

Dagaalka kasocda Caasimada Liibiya ayaa dhaliyay qasaarooyin xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya iyo waliba dadka rayidka ah.

In ka badan 10-Diyaaradood oo yaalay Airporka Caalamiga ee Tripoli ayaa ku bur buray duqeymaha ay is dhaafsanyeen dhinacyada dagalaamayay, waxaana wali xiran Garoonka Caalamiga ee Tripoli.

Magaalada Tripoli ayaa ka go'oonsan caalamka inteeda kale maadama uu xiran yahay Garoonkii ugu weynaa ee Diyaaradaha adeegsan jireen , waxaana wali si rasmi ah loo ogeyn xiliga uu furmi doono garoonka






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada