Nin Somali ah oo lagu qabtey isagoo sida daroogo u dhiganta 50 kun Dollar

Nin Somali ah oo lagu qabtey isagoo sida daroogo u dhiganta 50 kun Dollar

daajis.com:-Sida uu qorayo wargeyska Independent ee kasoo baxa Britain, waxaa la qabtey muwaadin asalkiisu Somali yahay balse heysta dhalashada ingiriiska laguna magacaabo Ibraahim Maxamed, kaasoo damacsanaa inuu si qarsoodi ah dalka ingiriiska kusoo geliyo maandooriyaha nuuca loo yaqaan cocaine, qiimihiisana lagu qiyaasay in kabadan 40 kun oo Pound, una dhiganta in ka badan 50 kun oo dollar.

Ibrahmin Maxamed waxaa lagu qabtey garoonka diyaaradaha Dublin, isagoo ka yimid dalka Brazil, halkaasoo ah meesha uu sida qarsoodiga ah uga soo qaadey maandooriyahan.


Waxa uu Ibrahim qirtay inuu qalad sameeyay, uuna dhowr mar oo hore sidan oo kale maandooriye usoo geliyay ingiriiska balse aan la qaban, haatan ayuuse muujiyay inuu ka xun yahay qaladka uu ku kacay, isagoo raali gelin ka bixiyay falkiisa foosha xun ee denbiga ah.

Ibrahim Maxamed ayaa lasoo saaray maxkamad, waxaana lagu xukumay 5 sano iyo bar xarig ah, inkastoo dacwadu ay weli socoto, isla markaana looyarka u doodaya Ibrahim uu sheegay in eedeysanihiisu uu qirtay denbiga dabaal nimada ah ee uu ku kacay, sidaas darteedna loo baahan yahay in laga qafiifiyo ciqaabta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada