Daawo Turkiga oo diyaariyay ciidankii qabsan lahaa amaanka Somalia

Daawo Turkiga oo diyaariyay ciidankii qabsan lahaa amaanka Somalia

daajis.com:-Halkan hoose ka daawo muuqaal cusub oo muujinaya dowlada dalka Turkiga oo soo bandhigtay ciidan Somali ah oo aad u tiro badan oo muddo 2 sano ah lagu carbinayay dalkaasi Turkiga, si wanaagsana loo baray afka Turkiga iyo asluubta ciidan intaba.

Turkiga ayaa sanadihii u danbeeyay siyaabo kala duwan u caawinayay Somalia, tilaabadan cusub ayaana lagu tilmaamey mid siyaasada fog ee Turkiga saameyneysa, maadaama uu carbiyay askar afkiisa ku hadleysa, ayna u fududahay inay si wacan xiriir ula yeeshaan madaxda Turkiga.

Waxaa la filayaa in ciidankani dhawaan soo gaaraan Somalia gaar ahaan Muqdisho, si ay u sugaan amniga sii xumanaaya ee guud ahaan dalka, kana qeyb qaataan fududeyna iyo isku xirka siyaasada Turkigu ka leeyahya Somalia iyo bulshada Soomaalida.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada