Dowlada oo lagu eedeeyay isku day lunsasho hanti iyo jawaabtii uu ka bixiyay xafiiska madaxweynaha

Dowlada oo lagu eedeeyay isku day lunsasho hanti iyo jawaabtii uu ka bixiyay xafiiska madaxweynaha

daajis.com:-Guddiga dabagalka cunaqabataynta ayaa warbixin ay qoreen waxa ay ku eedeeyeen xubno sarsare oo ka tirsan dowlada Soomaaliya  inay isku dayeen in ay lunsadaan hantida dalka Soomaaliya ee dibadaha ku xayiran.

Guddiga dabagalka oo ka kooban siddeed xubnood ayaa waxa ay u gudbyeen warbixin ka kooban 37 bog oo nuqul ka mid ah ay heshay wakaalada wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in la isku dayay in hantidan loo weeciyo dano gaar ah isla markaana loo xilsaaray in shirkad shisheeye ah howshaasi ay qabato.

Shirkadan oo lagu magacaabo Shulman Rogers ayaa la sheegay in ay ugaga mas’uul ahaayeen dowlada Soomaaliya labo nin oo ganacsato ah. Hase yeeshee madaxa shirkada Shulman ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha guddiga dabagalka Qaramada Midoobay  Jarat Chopra in uu shaki ku jiro qaabka baaritaanka guddiga eedeyntoodana ay tahay mid aan sal lahayn.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Fowziyo Yusuf oo haatan ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa beenisay in ay wax dhaqaale ah ka heshay kunturaada lala galay Shulman Rogers ayna wax cadaadis ah saarin Yussur Abrar oo loo magacaabay guddoomiyaha bangiga dhexe balse iska casishay howshaas toddobaad kadib markii ay la wareegtay xafiiskaas.

Warbixintan ay daabacday Reuters ayaa lagu sheegay in ay howsheedu ahayd in ay dhisto muuqaalka dowlada ee arrimaha dibada balse aysan marnaba ka shaqeyn sidii magaceeda iyo magaca dowladeeda ay ceeb u soo jiido.


Xafiiska Madaxweynaha ayaa diiday in uu ka jawaabo warbixintan maadaama ay tahay mid aan si rasmi ah loo soo bandhigin.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in dowlada ay ka go’an tahay in ka shaqeyso horumarinta dalka isla markaana ay dowladu samaysay qaab si rasmi ah loogula socon karo dhaqaalaha dalka soo galo iyo habka loo isticmaalaba.


Qoraalkan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Guddiga Maaliyada Dowlada ay talo ka raadsatay shirkado shisheeye si loo helo hantida dalka ee dibadaha ugaga maqan.

“Guddiga Maaliyada waxa uu talo weydiistay shirkada Schulman Rogers si loo helo hantidii bangiga dunida ee dowlada Soomaaliya, balse dowlada waxa ay dib uga laabatay heshiiskii ay la gashay Schulman Rogers 13 May 2014 waxayna weli kula jirtaa wadahadal shirkadda.”ayaa lagu yiri warbixinta.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in Dowlada Federalka ay sii wadi doonto sidii dib loogu soo celin lahaa hantida qaranka ee dibadaha ku xayirnaa,mana jirto illaa hadda xog sax ah oo ku saabsan tirada hantida dowlada ee dalalka dibadah weli taal.

Sidii hantidaas lagu heli lahaa waxaa loo baahan yahay kaalmo shisheeye iyadoo hantidaa marka ay gacanta dowlada soo gashana dib loogu maalgelin doono dalka Soomaaliya.

Ma aha markii uu horeysey ee ay guddiga u qaabilsan qaramada midoobay cunoqabataynta la shaaciyo warbixin ay diyaariyeen iyadoo aan si rasmi ah Qaramada Midoobay u soo bandhigin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada