Kulankii Siilaanyo Iyo R/wasaaraha Itoobiya Oo Xogag Badan Laga Helay.

Kulankii Siilaanyo Iyo R/wasaaraha Itoobiya Oo Xogag Badan Laga Helay.

daajis.com:-War-saxaafedeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Axmed Maxamed Maxammuud Siilaanyo iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailamariam Deselign ay yeesheen kulan gaar ah oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeedka, kulanka ayaa looga hadlay xiriirka ka dhexeeya labada dhinac iyo xoojinta iskaashiga ay lee yihiin.

Waxaa kaloo la sheegay in ay ka hadleen arrimaha Soomaaliya iyo xiritaanka xadka Somaliland iyo Itoobiya.

Markii kulanka uu soo dhammaaday ayaa madaxweyne Siilaanyo wuxuu la hadlay saxaafadda wuxuuna u sheegay in lagu guuleystay dhammaan qoddobaadii looga hadlay kulanka.

Dowladda Itoobiya ayaa xiriir qoto dheer la leh maamulka Somaliland waxaana ka dhaxeeya xiriir soo wadashaqeyn.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo dhammaaday kulankiisa ayaa la sheegay in uu u ambabaxay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada