Dibad bax looga soo horjeedo xasuuqa Isra'il ee Falastiin oo ka dhacay Koonfur Afrika (SAWIRRO)

Dibad bax looga soo horjeedo xasuuqa Isra'il ee Falastiin oo ka dhacay Koonfur Afrika (SAWIRRO)

daajis.com:-Dibad bax ballaaran oo looga soo horjeedo xasuuqa ay Isra’il ka geesaneyso dhulka falastiin ayaa maanta waxa uu ka dhacay magaalada Cape Town ee wadanka Koonfur Afrika.

In ka badan 30 kun oo qof oo Muslimiin ah ayaa ka qayb galay dibad baxaan maanta ruxay dalka Koonfur Afrika, waxaana dibad baxa soo qaban qaabiyay golaha culumada Islaamka ee dalka Koonfur Afrika ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano MJC (Muslim Judicial Council).

Dadka dibad baxayay ayaa socdaal ku maray wadooyinka waa weyn ee magaalada Cape Town, iyagoo sita boorar waa weyn oo lagu soo xardhay erayo ka dhan Israil.

Waxa ay ku is-istaagayeen calanka dowladda Isra’il, inkastoo bisha Ramdaan darted aysan wax dhibaato ah ku geysan dibad baxa hadey noqon lahayd dab la qabadsiiyo calanka iyo rabshado kale.

Ugu dambeyn dibad baxayaasha ayaa socdaal dheer kadib kusoo aruuray afaafka hore ee aqalka Baarlamaanka dalka Koonfur Afrika, iyagoona Baarlmaaanka South Afrika ka codsaday inay wax ka qabtaan xasuuqa Isra’il u geysanayso shacabka dalka Falastiin.

SAWIR QAADE: Mustafa Xasan Cali








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada