Madaxda ugu sareysa dalka oo ku dhawaaqay guddi kasoo shaqeeya dhismaha maamulka 3 Gobol

Madaxda ugu sareysa dalka oo ku dhawaaqay guddi kasoo shaqeeya dhismaha maamulka 3 Gobol

daajis.com:-Mas'uuliyiinta ugu sareysa dalka ayaa kulan afur ah u sameeeyay odoyaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo wax garadka ka soo jeeda Maamulka Saddexda gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo isla kulanka lagaga dhawaaqay guddi farsamo oo soo dhisa Maamulka KMG ah ee gobolada Bakool, Baay iyo Shabeelaha Hoose, taasi oo qeyb ka ahayd heshiiskii ay kala saxiixdeen Maamulladii ku kala aragti duwanaa maamul u sameynta gobollada Koonfur Galbeed.


Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” qaar ka tirsan gudiga farsamo ee loo qorsheeyay in ay ka soo shaqeeyaan maamul u sameynta Saddexda Gobol iyo marti sharaf kale.

Malaaq Ibraahim Macalin Cali oo ku hadlayay magaca bulshada ka soo jeedda Gobolada Maamulka Mideysan loo sameynayo oo madasha hadal ka jeediyay ayaa Madaxda dalka uga mahadceliyay dadaalka ay u galeen in xal laga gaaro kala aragti duwanaanshiyaha maamul u sameynta Gobollada Koonfur Galbeed, ayna soo dhaweynayaan gudiggan farsamo ee la magacaabay.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in gudiga la magacaabay ay ka dambeysay heshiiskii 23-kii June ee sanadkan ay kala saxiixdeen wakiilada kala matalayay maamulada is hayay, isagoo goobta ka akhriyay magacyada gudigga oo ka kooban 18 xubnood iyo saddex xubin oo xagga farsamada ka saacidi doono oo ay Xukuumadda Soomaaliya ku dartay, taasi oo wadarta guud ka dhigeysa 21 xubin.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay in arrintan ay gacan weyn ka geysteen odoyaasha dhaqanka, isagoo si gaar ah arrintaasi uga mahadceliyay Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlaamaaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha iyo golahiisa wasiirada ay dadaal badan u galeen sidii ay arrintan u hirgeli lahayd.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay kawada shaqeynta dhismaha dowladnimada, waxaana uu kula dar daarmay bulshada Soomaaliyeed ee loo sameynayo maamulkaasi inay ku kalsoonaadaan guddiga farsamo ee la magacabaay oo dhinacyada kala duwan ka kooban.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladdu ay garabtaagantahay gudigga la magacaabay, isagoo kula dar daarmay inay ka shaqeeyaan sidii maamul lagu kalsoonyahay ay ugu sameyn lahaayeen dadka ka soo jeeda saddexda Gobol.

Gudigga farsamada ee Maamul u sameynta Gobollada Bakool, Baay iyo SHabeelaha Hoose ee  la magacaabay ayaa qeyb ka ahaa heshiiskii kal hore ay wada galeen dadkii ku kala aragti duwanaa maamul u sameynta goboladaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada