SAWIRRO:- Gudoomiyaal degmo iyo saraakiil ciidan oo xalay kormeer wada jir ah ka sameeyay Muqdisho+ warbixin

SAWIRRO:- Gudoomiyaal degmo iyo saraakiil ciidan oo xalay kormeer wada jir ah ka sameeyay Muqdisho+ warbixin

daajis.com:-Qaar ka mid ah gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, Saraakiil ka tirsan Booliska iyo Nabad sugidda ayaa xalay magaalada Muqdisho waxa ay ka sameeyeen kormeer ay ku tageen qaarka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

Kormeerkan ay sida wada jirka u sameeyeen gudoomiyaasha degmooyinka Banaadir iyo saraakiishaan Booliska iyo Nabad sugidda ayaa ka dambeyso, kadib marki madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in taliska Booliska iyo Nabad sugidda uu si rasmi ah u hoostagayo gudoomiyaha goboka Banaadir.

Waxa ay xalay mas’uuliyiintaan ay kormeer ku mareen suuqa Bakaaraha, Wadada warshadaha iyo jidka Sodonka, waxaana ay goobaha at kormeereen ku arkayeen ciidamada Nabad sugidda oo howlo amni u taagan deeganadaasi.
Arintaan ayaa imaaneysa xilli shacabka reer Muqdisho ay weli dhagaha ku hayaan gudoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab xilligi uu hayay maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, mudadaasi oo ay muqdisho ka jirtay amni iyo horumar.
 




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada