Faisal Cali Wareebe oo si layaab leh uga hadlay Tababarada Ciidamada DFS iyo Jiritaanka Dowlada Somalia.

Faisal Cali Wareebe oo si layaab leh uga hadlay Tababarada Ciidamada DFS iyo Jiritaanka Dowlada Somalia.

daajis.com:-Faisal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Maamulka Somaliland ee UCID oo ka qeybqaadanayay Barnaamij ka baxayay Idaacada voa, ayaa waxa uu ka hadlay hadalada ku aadan Maamulka Somaliland ee kasoo baxaayo Dowlada Somalia.

Eng Faisal Cali waxa uu sheegay in Maamulka Somaliland uu ka talaabay xiligii uu la tashan jiray Dowlada Somalia, islamarkaana ay iminka la jaan-qaadayaan Dowladaha Caalamka sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Faisal intaa kusii daray in Dowlada Somalia iyo Maamulka Somaliland aysan wada isticmaali Karin Hawada, waxa uuna taasi ku micneeyay inaysan isu dhigmin Siyaasad ahaan.

‘’Suuragal mahan inan ka tanaasulno Mabda’eena ku aadan Dowladnimo, ma jirto wax la yiraahdo Somalia mar hore ayaa ugu dambeysay, mana qaadan doono in Somalia aan kala xaajoono wax sahli kara inay Somaliland ku biirta Somalia inteeda kale’’ Ayuu yir Faisal Cali waraabe.

Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay inuu u hanqal taagayo inuu xubin ka noqdo Dowlada Federaalka Somalia, waxa uu ku jawaabay inuusan aheyn dadka qaar ee iibsada Mabda’ooda wuxuuna farta ku goday inuusan raali ka ahaan doonin xitaa haddii ay DFS soo dalbato isagoona sheegay inuu ku qanacsan yahay Maamulka Somaliland.

Wuxuu intaa ku daray inuusan Aqoon wax la yiraahdo Somalia, isagoona Tilmaamay inay burburtay Soomaalidii la garan jiray tan hada jirtana aysan aheyn Soomaali sax ah.

Dhanka kale, Faisal Cali waraabe waxa uu Dowlada Federaalka ugu baaqay inay Ciidamadeeda usoo dirsato Somaliland si ay uga caabiyaan Tababarada, waxa uuna Tilmaamay inay u aqoonsan yihiin Dowlad daris la ah, maadama ay Ciidamada Dowlada kusoo tababartaan Dowladaha dariska la ah, iyaguna ay u saamixi doonaan inay Ciidamo tababar usiiyan, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Faisal Cali ayaa waxaa laga dheehan karay qiimo dhac uu ku sameynaayay DFS maadama uu sheegay inay tababar usiinayaan Ciidamado wallow isaguba uu Deegaanada Mamaulka Somaliland ka yahay nin aan amarkiisa ka socon

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada