daajis.com:-Wasiirkii hore ee arrimaha dibedd Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji
Aadan ayaa gaashanka u daruurtay warbixin si hor dhac ay u soo saareen
guddiga cunaqabteenta hubka ee saaran Soomaaliya UN Monitoring Group
taasoo madax badan oo ka tirsan dowlasdda oo ay ku hiryo ay lunsadeen
lacago badan oo Soomaaliya u tiilay dibedda.
Shir jaraa’id oo ay ku qabtay Muqdisho ayey marwo Fowziyo sheegtay in
warbixinta la soo saartay ay tahay mid been abuur ah oo sal iyo baar
toona lahayn.
Waxay sheegtay arrinta ku saabsan in ay bangi ku furi rabtay Dubai uu lahaa go’aankaas ra’iisal wasaarihii hore ee Cabdifaarax Saacid Shirdoon iyadoona sheegtay in ay heyso caddeemo muujinaya arrintaas iyo saaxiixa Saacid.
Waxay sheegtay oo kale in guddoomiyihii hore ee baanka dhexe Yusra
Abraar ay iyadu mas’uul ka hayd in loo dhiibo xilkaas si ay ula
dagaallanto musuq-maasuqa hareeyay hey’addaha dowladda, waxay sheegtay
in Yusra ay been u sheegtay caalamka oo ay tiri Soomaaliya yaan la
caawin oo waa meel musuq-maasuq ay dilootay.
Xildhibaan Fowziyo ayaa tilmaamtay in arrintaas ay muujineyso sidda
cadow loogu yahay Soomaalida oo aan la rabin in ay madaxa kor u qaado.
“Soomaaliya qofka wanaag la rabo ama xabad ama si kale ayaa loo dilaa” ayey tiri Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Waxaa la weydiiyay in madaxweynaha oo kula jirra warbixinta eedeenta in
ay kala hadashay waxay sheegtay in madaxweynaha uu la socdo arrinta isla
markaana uu diyaar u yahay in uu iska difaaco.
Waxay kaloo sheegtay in aanu uga hari doonin kooxda UN Monitoring
Group oo markii labaad been ka sheegtay iyadoo tilmaamtay in ay tegi
doonto New York oo ay qabsan doonto qareeno arrintaas ka difaaca.
Ugu dambeyn waxay sheegtay in marnaba aaney ka tanaasuli doonin
siddii ay u difaaci lahayd sharrafka Soomaaliyeed sidda ay hadalka u
dhigtay.
Hadalka wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa ku soo
aadeysa iyadoo dhawaan warbixin lagu qoray wakaaladda wararka Reuters
lagu sheegay in madaxweynaha iyo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan in ay
lunsadeen lacago badan oo Soomaaliya u tiilay caalamka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:18 and have
, Published at