Daawo:- Koox Cunsuriyiin ah Oo Masjid Uk Ku Yaalo Xoog Ku Galay Iimaamkana U Qabtay Mudo 7 Beri Ah Inuu Burburiyo..

Daawo:- Koox Cunsuriyiin ah Oo Masjid Uk Ku Yaalo Xoog Ku Galay Iimaamkana U Qabtay Mudo 7 Beri Ah Inuu Burburiyo..

daajis.com:-Koox Cunsuriyiiin Ingiriis ah oo lagu magacaabo (Brtian-First) oo xoog ku galay Masjid UK ku yaal 7-Berina u Qabtay imaamka Masjidka inuu Bur-Buriyo Tabeele Masjidka albaabkiisa ku dhagsan?

Kooxdan Cunsuriyiinta ah ayaa iyagoo Kabo Buut ah ay u xirnaayeen una soo labisteen sida Askartii ayaa muddo usbuuc u qabtay Masjidka Crayford inay bur-buriyaan,hadii aan laga fujin Albaabada Masaajidka ee ay ku qoran-yihiin calaamada muujinayso (Sisters Only)iyo (Brothers-Only)oo iyadu ah calaamad muujinaysa qolal ka mid ah Masjidka inay Dumarka ku dukadaan,

Waxayna arintaas ku sheegeen inay ka soo horjeedaan oo ay ka hor-imaanayso sharciga Uk u yaal oo ay ku sheegayeen Boqolaal sanno awoowayaashood inay ka dhaxleen Rag iyo Dumar in la isku fasaxo,halka Muslimiinta ay Masaajidyadda ku dhajinayaan Tabeelo ay ku qoran-yahay(Sisters-Only)oo loogu tala-galay Qolalka Dumarka ay ku tukanayaan dushiisa in lagu qoro,si aysan rag qolalkaas ugu galin Dumarka.

Gudaha Masjidka ayay soo galeen iyagoo ku dhawaaqaya?aaway imaamkii Masjidka?waxaana si xikmad leh oo buuq la’aan ah ula hadlay Oday waayeel ah oo isagoo aan caro muujin u balan-qaaday codsigooda inuu ka fiirsanayo,wuxuuna ku wargaliyay calaamadan inaysan aheyn Cunsurinimo.

Arinta u baahan in Odaygan Waayeelka ah lagu amaano ayaa lagu sheegay,inuusan dhag jalaq u-siin handadaada loo jeedinayo,balse wuxuu ka codsaday inay Kabaha iska bixiyaan,halka markii ay weydiiyeen Jesus(Nebi-Ciise)ma aaminsan-tahay uu markiiba la soo booday(Yes)waan aaminsanahay,halka Cunsuriyiinta ay ugu jawaabeen ma aaminsanid.

Waxaana arintan Dadkii daawaday ay bilad sharaf siiyeen Odayga Waayeelka ah oo si Xikmad leh ula hadlay Kooxdan Cunsuriyiinta ee fulayadda ah,waayo hadii ay geesiyaal yihiin Oday Waayeel ah sidaas uma handadeen,hadii ay rag iska dhicinayaan Masjidka oo dhalinyaro ka buuxdo oo la dukanayo ayay gudaha u soo gali-lahaayeen,markaasna shaki kuma jiro in cshar loo dhigi lahaa ay ka sheekeeyaan.

Kooxdan Britian-First ayaa iyagu aaminsan qof aan Ingiriis dhalad ah aheyn inuu ku noolaado Dalka Ingirisika,waana markii ugu horeysay ee ay weerar ku soo qaadeen Masjid,iyagoo gudaha Masjidka la soo galay Buutkii ay xirnaayeen.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada