Maanta iyo muqdisho:- Dilal loogu geystay Askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo wiil dhalinyaro ah..

Maanta iyo muqdisho:- Dilal loogu geystay Askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo wiil dhalinyaro ah..

daajis.com:-Rag bastoolado ku hubeysan ayaa galabta magaalada Muqdisho ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Askarigaan ayaa lagu dilay garoonka kubadda cagta ee Horseed ee ku yaalla degmada Hodan, iyadoo raggi dilay ay goobta ka baxsadeen.

Dhinaca kale wiil dhalinyaro ah ayaa isna kooxo hubeysan ku dileen xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, xilli uu ku sugnaa albaabka hore ee gurigooda.

Kooxaha dilay wiilkaan dhalinyarada ah ayaa u suurta gashay inay goobta ka baxsadaan, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysay dilka wiilkaan dhalinyarada ah oo ka mid ahaa dhalinyarada xaafadda Towfiiq.

Dilalka qorsheysan ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, tan iyo marki ay dhalatay bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo dowladda Soomaaliya ku guuldarreysatay inay yareeyso dilalka qorsheysan oo muqdisho kusoo batay bishaan Ramadaan.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada