Ganacsade Soomaali ah oo meydkiisa laga helay dalka Kenya

Ganacsade Soomaali ah oo meydkiisa laga helay dalka Kenya

daajis.com:-Ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Maxamuud ayaa meydkiisa laga helay meel lagu keydiyo meydadka, kadib marki in muddo ah la la’aa.

Ganacsadahaan ayaa la sheegay in goobtiisa ganacsi ay ka kaxeeysteen bishii hore rag isku sheegay inay ka tirsan yihiin waaxda dambi baarista ee dowladda Kenya.

Wixi markaasi ka dambeeyay ganacsadaha ayaa la waayay, iyadoo laga raadiyay saldhigyada booliska ee magaalada Nairobi, waxaana la garanwaayay halka ay la aadeen.

Hase yeeshee ugu dambeeyn ayaa meydkiisa shalay la helay, iyadoo ciidamada Booliska ee dalka Kenya ay iminka bilaabeen baaritaano ku aadan qaabka uu u dhintay ganacsadahan.

Allaha u naxariistee ganacsahan ayaa ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Kenya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada