Daawo Sawirada:- Yahuuda Israa’iil oo kordhisay Duqenta ay ku xasuuqayaan Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaza

Daawo Sawirada:- Yahuuda Israa’iil oo kordhisay Duqenta ay ku xasuuqayaan Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaza

daajis.com:-Ciidamada Yahuuda Israa’ill ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay kordhiyeen Duqeynta ay ka geesanayaan Magaalasa Gaza ee dhulka Reer Falastiin , waxaana sii kordhaya dhimashada dadka rayidka ah kasoo gaareysa Duqeynta Gaza ku socota.

Ciidamada Israel ayaa sii kordhiyay weerarka cirka, dhulka iyo badda ee ay ku hayaan Magaalada Qaza, iyagoo qaadaya dagaalkii ugu xooganaa tan iyo markii uu bilaway saddex iyo toban maalmood ka hor duulaanka gardarada ah ee u hayaan shacabka reer falastiin.

Wararka laga helaayo Deegaanka Shejaiya oo kuyaala bariga Qaza ayaa sheegaya in meelaha qaar ay daadsan yihiin meydadka dadka rayidka ah ee waxyeeladu kasoo gaartay duqeynta xoogan ee Yahuuda ka geesanayso Gaza.

Inta la xaqiijiyay 360-Falastiniyiin ah ayaa ku dhintay Duqeymaha Yahuuda ay ka geesaneyso dhulka Reer Falastiin , waxaa sidoo kale weerarkan lagu dilay 7-qof oo Israa’iiliyiin ah oo labo kamid ah la sheegay inay Shacab yihiin.

Dowladaha aduunka ayaa u muuqda kuwa sheeda un ka eeganaya xasuuqa Yahuuda Israa’iil ka geesaneyso dhulka Reer Falastiin , mana jiraan ilaa hada xal laga gaaray duqeynta ay Israa’iil ka geesaneyso Gaza.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



















Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada