DAAWO VIDEO:- dambiyadii uu dalka ka galay Taliyaha cusub ee Booliska loo magacaabay

DAAWO VIDEO:- dambiyadii uu dalka ka galay Taliyaha cusub ee Booliska loo magacaabay

daajis.com:-Fadeexada iyo tacadiyadii uu Taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya loo magacaabay ayaa soo shaac baxaysa, kadib markii baaris dheer la sameeyay lagu soo bandhigay documentery gabood faladii uu ka geystay Muqdisho xiligii Dowladdii Kacaanka.

Maxamed Xasan Ismaaciil Faarax, oo ahaa taliyihii nabad sugidda gobolka Banaadir, xilligi dowladdi kacaanka, waxaa Canada looga haystaa dambiyo ay ka mid yihiin, dil, jir dil, kufsi iyo boobka hanti shacab.

Taliyaha cusub oo markii ay dhacday dowladdii kacaanka kadib iska dhiibay dalka Canada, ayaa kasoo cararay kadib markii barnaamij ka baxay taleefishinka CBS uu baahiyey sirtiisa iyo dhibaatooyinkii uu ka geestay dalka Somalia.

Barnaamijkaas oo lagu magacaabo 5TH ESTATE, oo baxay October 7, 1992, waxaa lagu soo qaatay General Maxamed Xasan iyo laba nin oo kale oo xlligii kacaanka dambiyo waa weyn ka geystay Somalia, taasoo keentay in uu dalkii uu qaxootinimada iska dhiibay kasoo cararo oo dalka Kenya uu ku dhuumaaleysanayay wixii markaas ka danbeeyay.

HALKAN KA DAAWO 12.47 MIN VIDEO


xigasho:-warfaafiye
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada