Daawo Sawirad:- Bannaanbax looga soo horjeeda Al-Shabaab oo ka dhacay Muqdisho

Daawo Sawirad:- Bannaanbax looga soo horjeeda Al-Shabaab oo ka dhacay Muqdisho

daajis.com:-Degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay bannaanbax ballaarab oo looga soo horjeeday dhibaatootooyinka Al-Shabaab ay u geysanayaan dadka shacabka, waxaana boqolaal dadweyne oo socod ku soo maray degmada Heliwaa ay markii danbe isugu soo aruureen xarunta gobolka Banaadir uu ku leeyahay degmada Heliwaa.

Dibadbaxayaasha ayaa waxaa khudbad halkaasi ugu jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Jen. Maxamed Xasan Xuseen Muungaab iyo Guddooomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida C/raxmaan Maxamuud (Tuuryare), Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab iyo madax kale.
Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa Maddaxda sare ee Dowladda Federaalka,ka codsatay inay soo saaraan sharciga argagixisada si loogu qaado dembiilayaasha ururka Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanaya Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka C/raxmaan Maxamuud Tuuraye ayaa isagu si gaar ah uga hadlay xukunada lagu fuliyo dembiilayaasha Al-Shabaab, wuxuuna ku booriyay dadweynaha gobolka Banaadir inay la shaqeeyaan ciidamada amniga.

Guddoomiyaha G-banaadir Jen. Muungaab ayaa gabagabadii hadal kooban u jeediyay bannaanbaxyaasha, isagoo sheegay inaysan jirin jabhad Al-Shabaab la yiraahdo oo Muqdisho dhinac ka heysata, balse ay jiraan Shabaab u ekayaal sida Boodada iyo Dhilqaha oo kale dadka ugu dhex dhuumanaya, wuxuuna dadweynaha gobolka Banaadir ka dalbaday inay iyagu yihiin kuwa kaliya ee sheegi kara oo aanay ahayn ciidamada ammaanka.

“Ciidamada ammaanka ma arki karaan Shabaab dhuumaaleysanaya, hase yeeshee dadweynaha ayaa sheegi kara cid kasta oo xaafadahooda ku dhuumaaleysaneysa, haddii ay soo sheegaanna maxkamad ayaa la saarayaa kaddibna waa la tooganayaa” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Guddoomiye kasta oo ka tirsan gobolka Banaadir lagula xisaabtamayo wixii ka dhacay degmadiisa, wuxuuna intaasi ku raaciyay in 50-kii guriba ay u magacaabeen Guddoomiye, kaasi oo lagula xisaabtamayo wixii ka dhacay xaafadiisa.

“Al-Shabaab anagaa janada uga dhow, qofkii soo sheega, askarigii soo qabta, maxkamadii xukunta iyo askartii toogata Al-Shabaab dhammaantood janada ayay gelayaan” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab oo sheegay in horumarka Gobolka Banaadir ay ku xiran tahay dadweynaha gobolka Banaadir.

Bannaanbaxaan ayaa kusoo beegmaya xili maalintii shalay qeyb ka mid ah magaalada Muqdisho la sheegay in uu tartan qur´aan akhris ah uu ka furay Madaxa Al/shabaab Sheekh Cali Jabal oo sheegay in Muqdisho aysan maamulin Dowladda. 




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada