News:- Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Alshabaab gacanta lagu dhigay

News:- Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Alshabaab gacanta lagu dhigay

daajis.com:-Masuuliyiinta maamulka degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen sarkaal sare oo ka tirsanaa Alshabaab.

Gudoomiyaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir Qaasim Cabdulaahi Xasan,  oo saxaafada maanta kula hadlay degmadaasi ayaa sheegay in sarkaalkaasi ay qabteen ciidamada amaanka ee degmadaasi.

Gudoomiyaha inkastoo uusan shaacin magaca sarkaalkaasi ay gacanta ay ku dhigeen ayaa haddana wuxuu sheegay in sarkaalkaasi uu u joogay degmada inuu sameeyo falal basaas ah, sida uu hadalka u dhigay.

Qaasim Cabdulaahi Xasan, ayaa sheegay in ciidamadooda ay sii kordhin doonaan howlgalada ay ka sameynayaan degmadaasi oo ay kula dagaalamayaan Alshabaab.


“Waxaan soo qabanay nin ka tirsanaa kooxda dhagar qabayaasha, waxaa naloo sheegay inuu ahaa nin xaafado kale ka yimid, halkaana uu u yimid sirdoon ahaan, waxaan u mahad celinaynaa shacabka”.ayuu yiri gudoomiyaha degmada Boondheere eegobolka Banaadir.

Inkastoo gudoomiyaha degmada uu sheegay arintaasi ayaa waxaa wali magaalada Muqdisho ka socda dilalka bareerka ah oo laga geysanayo xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada