Top News:- Ahlu Sunna, Mareykanka & IRAN oo kulamo qarsoodi ah ku yeeshay…

Top News:- Ahlu Sunna, Mareykanka & IRAN oo kulamo qarsoodi ah ku yeeshay…

daajis.com:-Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobalka Galgaduud ay booqasho qarsoodi ah ku tageen labo wafdi oo ka socda dowladaha Iran iyo Maraykanka.

Labada wafdi ayaa kulamo kala duwan la qaatay ururka Ahlu Sunna oo gacanta ku haya qeybo ka mid ah gobalka Galgaduud, waxaana la sheegay in ay kala hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay xiriir dhexmara sidda ay lee yihiin ilaha warkan aan ka soo xiganay.

Wafdiga ka socday IRAN ayaa la sheegay in seddax cisho ay ku sugnaayeen magaalada iyagoona la kulmay horjoogayaal ka tirsan Ahlu Sunna, balse si dhab ah looma oga wax yaabaha ay kala hadleen.

Wafdiga kale ee ka socday Maraykanka oo watay ciidamo kumaan doos ah ayaa garoonka diyaaradaha kulan albaabada u xiran la qaatay madaxda Ahlu Sunna, waxaana la sheegay in ay ka hadleen arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay dagaalka lagula jirro Al-Shabaab.


Intii ay joogeen labada wafdi magaalada Dhuusamarreeb waxaa la sheegay in aad loo adkeeyay ammaanka oo waxaa meelaha qaar laga mamnuucay gaadidka iyo dadka.

Ahlu Sunna ilaa hadda kama hadlin wax yaabaha ay u tageen Dhuusamarreeb labada wafdi ee ka socday IRAN iyo Maraykanka, balse waxaa ujeedka lagu soo koobay in ay ahaayeen kuwa samafal u waday gobalka.

Waa markii ugu horreysay oo Dhuusamarreeb ay tagaan wafuud ka kala socda waddamada Iran iyo Maraykanka.

Ahlu Sunna ayaa ka mid ah maleeshiyaadka la dagaallama Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida kuwaasoo dhul badan oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya laga saaray ayna ka mid tahay Ceelbuur.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada