Madaxweynihii hore Faransiiska Sarkozy oo baaritaan ku socdo, kadib 15-saacadood uu u xirnaa booliska

Madaxweynihii hore Faransiiska Sarkozy oo baaritaan ku socdo, kadib 15-saacadood uu u xirnaa booliska

daajis.com:-Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa lagu bilaabay baaritaan, kadib markii lagu soo eedeeyay inuu saameyn ku yeeshay garsoorka dalkaas iyo inuu lacago ka qaatay Madaxweynihii hore ee Libiya.

Sarkozy ayaa ka soo muuqday Maxkamad gelinkii dambe ee Talaadadii shalay, kadib 15-saacadood oo booliska su’aalo la weydiinayeen arrimo musuq maasuq.

Mr Sarkozy ayaa noqonaya Madaxweynihii u horeeyay Faransiiska ay booliska xiraan.

Sidoo kale waxaa baaritaan ku socdaa qareenkiisa oo lagu magacaabo Theirry Herzog, oo loo heysto dacwad la mid ah.

Eedeymaha loo soo jeediyay waxaa ka mid ahaa inuu lacago ka helay Madaxweynihii hore ee Libiya Mucamir Al-qadaadi, xilligii uu u tartamayay doorashada madaxtinimada.


Sarkozy oo 59 jir ah ayaa Madaxweyne ka ahaa Faransiiska sanadihii 2007-2012, waxaa laga yaabaa in eedeymaha loo heysto uu ku muteysto xabsi shan sano ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada