Maxaa ka jira arinta uu Yuusuf Garaad ka dhawaajiyey Arin Culus iyo xog macquul ah?

Maxaa ka jira arinta uu Yuusuf Garaad ka dhawaajiyey Arin Culus iyo xog macquul ah?

daajis.com:-Sida aan lagaala tashan in aad dhalato iyo in kale. Sida aan lagaala tashan qarniga aad dhalaneyso. Sida aan meesha aad ku dhalaneyso lagaala tashan. Sida aan lagaala tashan gabar iyo wiil midka aad noqoneyso.

Sida aan lagaala tashan in aad gaaban tahay iyo in aad dheer tahay. Sida aan midabkaaga lagaala tashan. Ayaan lagaala tashan qabiilka aad tahay ama aan isa saxee ay kula tahay in aad tahay. Sax?
Qabiilka iyo arrimahaas kale dadku astaanta kaaga dhigayo midkoodna adigu ma dooran. Mana beddeli kartid. Qof ka bixi karaana ma jiro.

Waxaan qiyaasayaa in aan ognahay in dadka gaa-gaaban oo dhami aanay isku aragti ahayn isku danna ahayn, marka laga reebo in dharkoodu ka gaa-gaaban yahay dharka dadka dhaadheer.

Markaa in qof lagu dulmiyo ama lagu dilo maxaad reer hebel u tahay, maxay uga duwan tahay in qof lagu dilo maxaad u dheer tahay ama u gaaban tahay?
Haddaan reer hebel nahay aan iska dhicinno reer hebel maxay uga duwan tahay haddaan nahay dadka gaa-gaaban aan iska dhicinno dadka dhaadheer?
Jawaabta ha la soo boodin. Fadlan wakhti sii oo u fiirso.

Dadka caqliga badan ee qabaa’ilka hor booda ee ku haga dagaal ka dhan ah beel kale, iyo kuwa ka sii caqliga badan ee dagaal aan lagala tashan oo dad aan wax galabsan lagu dilayo halkooda ka daafaca ha iga dhaadhiciyeen wax aan ka ahayn maxaa aabbahood u dhalay oo ay dadkaas ku dilayaan?
Haddii qofku wax aanuu ku biirin, goor lagu darayna aanuu ogeyn, kana bixi karin lagula dagaallamayo, maxay uga duwan tahay in lagula dagaallamayo Aabbahaa muxuu kuu dhalay?

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada