Magaalada Muqdisho oo lagu dhex arkay Ciidamo aan laga fileynin Joogistooda (Yaa kamid ah)

Magaalada Muqdisho oo lagu dhex arkay Ciidamo aan laga fileynin Joogistooda (Yaa kamid ah)

daajis.com:-Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mudooyinkaani si caadi ah loogu arkaa Ciidamo aan horay looga baran isticmaalka Wadooyinka Muqdisho kuwaasi oo ku gaashaaman Gaadiid aan caadi aheyn oo aan Karin xabada.

Ciidamada isticmaalo wadooyinka ayaa waxaa kamid ah sida Kuwa Dowladaha Talyaaniga, Faransiiska, Holan, Turki iyo kuwa Mareykanka ka jooga Magaalada Muqdisho, waxa ayna wataan gaadiid aan caadi aheyn oo ka suran Calamadooda.

Ciidamadaani ayaa waxa ay la yaab ku noqotay Shacabka Soomaaliyeeda oo aan horay u arkin isticmaalkooda wadooyinka, waxa ayna si raaxo leh u kala gooshaan inta badan Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku hubeysan Qoryo aan looga baran kuwa AMISOM ka jooga Somalia, waxaana qoryahooda ay u badan yihiin kuwa Kaamirada leh oo aan la maqleynin codkooda.

Muuqaalada Cusub ee Ciidamadaani, ayaa waxa uu imaanayaa xilli Dowlada Somalia ay beenisay in Dalka Somalia ay joogan Ciidamo cadaan ah, gaar ahaan waxa ay beenisay inay joogan kuwa Faransiiska.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada