SAWIRRO:- Wararkii ugu danbeeyay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

SAWIRRO:- Wararkii ugu danbeeyay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

daajis.com:-Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo ku qarxay duhurnimadii maanta barxada Taalada Sayidka, waxaana qaraxaasi ku dhintay Sedax askari iyo qof shacab ah, waxaana ku dhaawacmay todobo qof oo askar u badan. iyadoo Khasaaraha qaraxan uu yahay mid sii kordhaya.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dadka dhintay uu ku jiro wadihii gaariga qarxay oo ciidamada ay ku amreen in uu joojiyo, balse ka dhega adeegay, waxayna Saraakiisha Booliska sheegeen in uu damacsanaa inuu gudaha u galo xarunta Otto Otto oo ku dhex taal Wasaaradda arrimaha gudaha, halka warar kale ay tilmaamayaan in uu beegsan rabay xarunta Baarlamaanka oo aan goobta uu ku qarxay ka fogeyn, xiligaasi oo baarlamaanka fadhi ku lahaa maanta, laakiin arintaasi darteed loo baajiyay.

Ciidamo isugu jira kuwa dowladda ayaa goobta gaaray si ay u xoojiyaan amaanka iyo gaadiidka gurmadka deg dega oo dadkii ku dhaawacmay goobta ka daabulay.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa cambaareeyay falkan ay ciidamada amaanka fashiliyeen.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada