Daawo Sawirada:- Ciidamo Booliis ah oo u labisan Qaabka Alpha Group oo maanta Muqdisho lagu soo bandhigay

Daawo Sawirada:- Ciidamo Booliis ah oo u labisan Qaabka Alpha Group oo maanta Muqdisho lagu soo bandhigay

daajis.com:-Waxaa Maanta xarunta dugsiga tababarada Booliska ee Jeneraal Kaahiye lagu soo bandhigay Ciidamo Cusub oo katirsan Booliiska Soomaaliya kuwaa oo qaab ahaan matala una labisan sida Ciidamada Gaarka ah ee Nabad Sugida ee loo yaqaan Alpha Group ama Gaashaan.

Ciidamadan oo isugu jira rag iyo haween ayaa ah kuwa aan muuqaalkooda la arkeyn oo afku u xiran yahay , waxaana ugu jira xabadka Jaakadah aan Karin rasaasta, waxaa sidoo kale indhaha ugu jira Ookiyaalo weyn.

Ciidamadan Cusub ayaan wali la shaacin magaca ay ku howlgalayaan hasa ahatee waxaa dareeska ay wataan ku buufsan astaanta lagu yaqaan Ciidanka Booliiska Soomaaliya .

R/Wasaaraha Soomaaliya iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada oo maanta tagay , xarunta dugsiga tababarada Booliska ee Jeneraal Kaahiye, ayaa loo soo bandhigay indhahoodana ku arkay Ciidamadan Cusub ee katirsan Booliiska.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com











Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada