Magaallo ku taalla Soomaaliya oo laga waayay hal qof oo shacab ah (WAA TEE)!!!

Magaallo ku taalla Soomaaliya oo laga waayay hal qof oo shacab ah (WAA TEE)!!!

daajis.com:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas laga waayay hal qof oo shacab ah, sidda ay lee yihiin saraakiisha ciidamada dowladda.

Cabdi Xasan waa sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugan Ceelbuur wuxuu warbaahinta Muqdisho uu u sheegay in dadkii ku sugnaa Ceelbuur ay ka qaxeen magaalada oo u carareen deeganno ku yaalla gobalka iyo qaar kale oo magaalada Muqdisho maciinsaday.

Wuxuu sheegay in dadkii ku noolaa Ceelbuur ay noqdeen kuwa raaca Al-Shabaab iyo kuwa magaalada Muqdisho u qaxay.

“Ceelbuur Qaran iyo Qabiil kuma heyno oo dadkii ku noolaa waxay noqdeen kuwa ku biira cadowga Shabaab oo alwaba reer Ceelbuur Shabaab ayey ahaayeen” ayuu yiri Cabdi Xasan.

Sarkaalkan ayaa intaas hadalkiisa ku sii daray in afar bil ay ku sugan yihiin tan iyo xilligaasna aaney arkin qof shacab ah oo magaalada ku sugan.

Degmada Ceelbuur ayaa muddo lix sanno waxaa gacanta ku hayay Al-Shabaab oo waxaaba ay u ahayd saldhig muhiim ah balse horaantii sannadkan ayaa laga saaray, wixii xilligaas ka dambeeyay magaalada waxay ahayd mid go’doonsan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada