Masjidka ugu weyn Gobalada dhexe isla mar ahaantaana leh Xaruun lagu barto Diinta Islaamka ayaa manta xariga laga jaray Magaalada Baledweyn.

Masjidka ugu weyn Gobalada dhexe isla mar ahaantaana leh Xaruun lagu barto Diinta Islaamka ayaa manta xariga laga jaray Magaalada Baledweyn.

daajis.com:-Munaasabad ay  ka qeyb-galleen marti-sharaf kala duwan oo uu ka mid ahaa Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, ayaa si rasmi ah maanta xariga looga jaray furintaanka masjidka bardaha magaalada Beledweyne oo mudo ka badan hal sano dhismihiisa socday.

Munasaabada waxaa khudbado kala duwan oo looga hadllay taariikhda masjidka iyo marxaladihii kala duwanaa  ee uu soo maray ka jeediyay qaar ka mid ah guddigii isku –taagay siddii loo dhisi lahaa dhismaha cusub ee masjidka.

C/llaahi Xaaji Dalabey oo ka mid ah guddiga dhismaha masjidka ayaa sheegay in markii ugu horeysay masjidka bardaha dhismihiisa tariikhada inta la xasuusto la bilaabay sanadkii 1912-kii, isaga oo sheegay in dhismo rasmi ah oo dhagax ka sameysan loo badalay sanadkii 1935-tii, waxaana uu dhismahaa soo gaaray 2013-kii.

Dhismaha cusub ee maanta xariga laga jaray ayuu sheegay in la bilaabay 20-5-2013-kii, kaasoo ugu danbeyntii la soo gabagabeeyay  maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 02, July, sanadka 2014-ka.

Masjidka ayaa ka kooban dhisme labo dabaq ah oo qeyb ka mid ah loogu talagalay in ay u tukadaan haweenka, barkad  weyn oo biyo, lix dukaan oo ganacsi ah, qeyb loogu talagalay weysada oo markiiba ay fariisan karaa in badan  30 ruux , 16 musqulood ama [Suuli] oo hab casri ah u dhisan, iyo darbi weyn oo masjidka laga xajiyay wabiga shabeelle si looga hortago fatahaada wabiga.

Dhaqaallaha ku baxay masjidka ayaa lagu sheegay $ 413,950 [ Afar boqol toban iyo saddex Kun oo doolar dhibic sagaal boqol iyo koton doolar] waxaana ku harsan masjidka oo lagu leeyahay lacag dhan $7.825 doolar [Todobo Kun Sideed Boqol Labaatan iyo shan doolar] iyaga oo ka dalbaday dadka muxusiniinta ah in ay ka bixiyaan masjidka lacagtaa lagu leeyahay.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif   oo ka hadllay munaasabada ayaa u mahad celiyay guddigii u istaagay dhismaha masjidka, iyo dhamaad  cid kasta oo dhaqaalle, cilmi, iyo xoog intaba ku bixisay in  ugu danbeyntii lagu guuleysto dhismaha masjidka.

Munaasabadda ayaa shahaado lagu guddoonsiiyay shaqsiyaad iyo hay’addo warbaahineed oo la sheegay in ay gacan ka geysteen dhismaha masjidka, waxaana ka mid ahaa hay’addaha warbaahineed ee shahaada la guddoonsiiyay shabakada Hiiraan Online oo ay guddiga ku amaaneen doorkii ay ka qaadatay soo bandhigida hadba heerka uu marayo masjidka mudadii uu dhimihiisa socday.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada