8 Siyaabood Oo Jinka Iyo Sixirka La Isaga Ilaaliyo..

8 Siyaabood Oo Jinka Iyo Sixirka La Isaga Ilaaliyo..

daajis.com:-Cunista timirta: cun 7 xabo oo timir ah markaad soo toosto cuntada ka hor, Nabigeena NNKH waxaa la wariyay inuu yiri: “Qofkii subax kasta cuna 7 timir ah cuntada ka hor waxaa uu ka nabad galayaa sunta iyo sixirka”
Weysada: Sixirku ma saameeyo qof wayso qaba waayo waxaa ilaalinaya Malag Allaha SW uu soo diray, Ibnu Cabaas RA, waxaa uu Rasuulka NNKH ka warinayaa inuu yiri: “Ma jiro adoon kaligiis seexda isagoo weyso qabaa illaa in malag weheliyo mooyee, dhaq-dhaqaaq kasta uu sameeyana malaga ayaa Allah u baryaya oo oranaya Yaa Allah u dambi dhaaf adoonkaaga”
Qiyaamu Al-Laylka: Qof kastaa oo doonaya inuu ka badbaado sixirka waa inuu tukataa saalaada habeenkii.
Isticaa’dah: Waxaa muhiim ah qofka muslimka inuu Allah magangalyo weydiisto markuu suuliga ama musqusha galayo sababtoo musquluhu waxay guri u yihiin jinka shaydaanka ah.
In Allah Magangalyo la weydiisto xiliga guurka cusub: Marka aad guursato xaaskaaga inta aadan sariirta ugu tagin, gacantaada midig saar foolkeeda (forehead) kadibna ducadaan akhri:
duco-qurbo
In Allah Laga Magangalo Sheydaanka Iyo Shartiisa Xiliga Kulanka Sariirta Ee Lamaanaha: Nabigeena CSW waxaa laga wariyay inuu yiri hadii aad akhrisataan ducadaan soo socota xiliga ijmaaca, jinka iyo sheydaanku ilmaha idin dhasha waligood waxyeelo uma gaysanayaanducada galmada
ducada-galmada
Inaad weyso qaadato intaadan seexan Aayaatul Kursina akhrisato: waxaa arinkaan xaqiijiyay Abuu Hurayra R.A, jinni ayaa ku yiri: “Qofkii akhriya Aaytul Kursi inta uusan seexan Allah ayaa ilaalinaya jinkana uma tagaya habeenkii oo dhan”
Ducada marka guriga laga baxayo: akhriso ducadaan markaad guriga ka tagayso ama ka baxaysoguriga
guriga



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada