Daawo Sawirada:- Obama oo xaley murugo badan lasoo deristay iyo sababta

Daawo Sawirada:- Obama oo xaley murugo badan lasoo deristay iyo sababta

daajis.com:-Kumanaan taageerayaasha Xulka Mareeykanka ah, ayaa xalay isugu soo baxay magaalooyinka Chicaco, Washington DC, iyo Dallas, iyagoona luxayay Calanka Mareeykanka.
Dadka ayaa isugu soo baxay fagaarooyinka waaweyn, Garoomada ciyaaraha iyo Maqaayadaha, iyagoona shaashado waa weyn ka daawanayay Ciyaarta Mareeykanka iyo Belgium.
Balse taageerada intaas la’eg Mareeykanka kama caawin ineey usoo gudbaan wareega Quater Finalka, kadib markii daqiiqadihii dhamaadka 2 Gool oo xirir ah ay ka kala dhaliyeen De Brunye iyo Romalo Lukaku.
M/weynaha Mareeykanka Obama, ayaa kamid ahaa dadkii daawanayay Ciyarta, isagoona ka daawanayay magaalada Washington, waxaana laga dareemayay murugo iyo farxad isku dhex jirta, isagoo safka hore kaga jiray koox aad u badan oo ciyaarta ku daawaneysay aqalka cad ee Washington.
Mareykanka ayaa soo bandhigay ciyaar geesinimo iyo gobonimo laheyd, waana sababta Obama ka farxisay, balse ugu danbeyn xulka United States ayaa laga awood roonaadey waana sababta murugada looga dheehan karo madaxweyne Obama.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada