daajis.com:-Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta deegaanka
gobolka Xinjiang ee galbeedka Shiinaha ayaa Muslimiinta ka mamnuucay in
ay soomaan inta lagu jiro bishan barakaysan ee Ramadaanka.
Dadka la bartilmaameedsaday ayaa waxaa ka mid
ah shaqaalaha dowladda, macalimiinta iyo ardayda, kuwaas oo ka soo
jeeda qowmiyadda Uighur ee laga tirada badan yahay ee degta gobolkaasi
isla markaana u badan Muslimiin.

Qaar badan oo ka mid ah dadka qowmiyaddani
ayaa ka cabanaya in hoggaamiyeyaasha qaran ee dalkaasi Shiinaha ay
weerar ku hayaan dhaqankooda.
Dadka qaar ayaa ku doodaya in arrintani ay la
xiriirto rabshadihii qowmiyadaha ku salaysnaa ee dhawaan ka dhacayay
gobolkaasi Xinjiang.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 06:00 and have
, Published at