Puntland oo Xerada 54 aad ku magacowday Gen. Dirir

Puntland oo Xerada 54 aad ku magacowday Gen. Dirir

daajis.com:-Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ugu magac dartay xerada ciidamada 54-aad ee ku taal duleedka magaalada Garoowe, Gen. Maxamed Dirir oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Garoowe.

Gen. Maxamed Dirir ayaa gacanta ku haayay xerada ciidamada 54-aad isla markaana xafiday tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Kacaanka oo iyadu aas-aastay xeradaasi.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa lagu sheegay in Allaha u naxariistee Gen.Maxamed Dirir loogu magac daray xeradda ciidamada 54-aad.

"Maanta wixii ka danbeeya xeradaasi waxaa loogu yeeri doonaa Xeradda ciidamada Gen. Maxamed Dirir"ayaa lagu yiri qoraalka.

Allaha u naxariistee Gen. Maxamed Dirir wuxuu ka mid ahaa ciidamadii hore ee soomaaliya ee naadirka ah, isagoona ka qayb galay dagaalkii labaad ee aduunka 1945, kadibna uu dib ugu soo laabtay dalka.


1950-meeyadii ayuu ku biiray ciidamadii ilaalada, 1966 ayuu ku biiray ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Burburkii dalka kadib wuxuu gacanta ku hayay xerada ciidamada 54-aad ee duleedka magaalada Garoowe.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada