Dowladda Itoobiya oo guud ahaan xertay xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya

Dowladda Itoobiya oo guud ahaan xertay xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya


daajis.com:-Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa gebi ahaanba xertay xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoo aysan jirin cid ka gudbi karto xuduudaha labada wadan.

Ciidamo isugu jira Federaal iyo kuwa loo yaqaan New Polis ee ismaamulka Soomaalida ayaa lasoo dhoobay xuduuda Tog Wajaale ee kala qeybisa maamulka Somaliland iyo Itoobiya, halkaasi oo aheyd wado ay masaafuriinta Soomaalida dooneysa in u safraan Addis Ababa iyo Jigjiga ku safri jiray.


Wasiirka arrimaha dibada maamulka Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa xeritaanka Dowladda Itoobiya ay xertay xuduudeeda ku tilmaamay mid ay ku xoojinayaan nabadgelyada, isla markaana ay ka war hayaan maamul ahaan.

Wuxuu sheegay in Somaliland ay raali ka tahay in la xero xuduuda, taasoo uu tilmaamay in amaankeeeda uu ku jiro.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay dalka Jabuuti bishii hore, kuwii fuliyayna la sheegay in ay xuduuda Somaliland ay kasoo gudbeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada