Brazil oo u soo baxday Sema Final Koobka Aduunka, kadib markii ay garaacday Colombia

Brazil oo u soo baxday Sema Final Koobka Aduunka, kadib markii ay garaacday Colombia

daajis.com:-Xulka Brazil oo marti gelinaya Koobka aduunka 2014 ayaa u soo gudbay wareega afar dhamaadka ee Sema Finalka, kadib markii ay garaaceen xulka Colombia ciyaartii wareega 8-da ee ka dhacday Fortaleza.

Ciyaartan ayaa aheyd mid si gaar ah isha loogu hayay labada xidig ee u kala safta Brazil iyo Colombia ee kala ah Neymar iyo James Rodriguez.

Daqiiqadii 7aad ee qeybtii hore ciyaarta ayaa Brazil waxaa hogaanka u dhiibay Kabtankooda Thiago Silva, kadib markii kubad kooner aheyd uu lugta la helay, dabadeedna shabaqa gashay, waxaana Brazil ay ku qabatay ciyaarta 1-0.

Fursado dhowr ah ayaa Brazil oo ay hogaanka ku soo dheereysan kareen waxaa ka qasaariyay ciyaaryahan Hulk oo tiro dhowr jeer uu goolhayaha Colombia kubado ka bad baadiyay.

Ciyaaryahan Fernandinho ayaa ahaa ninka ugu qaladka badan, isagoo dhowr jeer qalad ku galay, waxaana uu ka soo baxay kaalintiisa oo ku aadan inuu kubadaha ka ilaaliyo xidiga Colombia James Rodriguez.

Qeybtii hore ciyaarta oo ay Brazil ku hogaamineysay 1-0, ayaa qeybtii hore lagu kala nastay, iyadoo kubad heysashada laga watay Colombia oo aad ugu dhibanaa inay jaanta isla heleen.

Qeybtii labaad ciyaarta ayaa markii la isku soo laabtay dar dar xoogan ay la soo baxday Colombia, waxaana bedelo badan ay sameeyeen Colombia ku guuleysteen inay kubada la wadaagaan Brazil, inkastoo garsooraha ciyaarta u muuqday mid isku fasaxayay oo qaladaad badan oo jiray aanu dhigeyn.

Daqiiqadii 68aad ayaa kubad laad xor aheyd ayaa waxaa si cajiib ah u dhaliyay David Luiz, waxaana goolhayaha Colombia ku adkaatay inuu kubadaas bad baadiyo, iyadoo Brazil hogaanka ku qabatay 2-0.

Inkastoo ciyaarta xamaasadeeda ay marba marka ka dambeysa sii kululaaneysay ayaa Colombia waxaa ay heleen rigoore, kadib markii Goolhayaha Brazil Julio Cesar uu qalad ku galay mid ka mid ah weeraryahanada Colombia.

Ciyaaryahan James Rodriguez ayaa rigooradaas gool u bedelay, isagoo meel cidlo u diray goolhaye Cesar, waxaana ciyaarta ay noqotay 2-1, iyadoo Colombia u arkeysay goolkaas mid rajadeeda soo celinaya, hadii ay gool labaad helaan.

James Rodriguez ayaana ah ninka ugu goolasha badan Koobka aduunka, isagoo dhaliyay lix gool, waxaana uu labo gool ka sareeyaa ciyaaryahanada Messi, Neymar iyo Muller oo min afar gool leh.

Daqiiqadihii u dambeeyay ciyaarta ayaa Brazil waxaa ka dhaawacmay xidigooda Neymar oo garoonka looga saaray bareelo, markii ciyaaryahan Zuniga uu dhabarka jilib ugu dhiftay, waxaana lagu bedelay daafaca Henrique.

Brazil ayaa markaas wixii ka dambeysay gashay cabsi, iyadoo difaac xirtay, waxaana kubado dhowr ah oo lagu soo qaaday goolkooda ay iska bad baadiyeen, waxaana ciyaarta ay ku idlaatay 2-1 oo ay ku badisay Brazil.

Xulka Brazil ayaa gaaray Sema Finalka Koobka Aduunka muddo 12-sano kadib, waxaana labadii Koob aduun ee 2006 iyo 2010 lagu soo reebayay wareega 8-da, waxaana markan ay rajo ka qabtaa inay ku guuleysato Koobka aduunka markoodii 6aad.

Brazil ayaa waxay isku beegmeen wareega afar dhamaadka ee Sema Finalka xulka Germany oo ka soo badiyay France, waxaana labadan xul koob aduun oo ay isaga hor yimaadaan ay aheyd Final-kii Koobka aduunka ee 2002 lagu qabtay Korea iyo Japan, xilligaasoo Brazil ay ka qaaday koobka, markii Ronaldo uu labo gool ka dhaliyay.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada