Seefta Xassan Sheekh oo dul-saaran Mas’uul ka tirsan Dowlada oo ay dacwadiisu buux-dhaafisay Xafiiska Madaxweynaha

Seefta Xassan Sheekh oo dul-saaran Mas’uul ka tirsan Dowlada oo ay dacwadiisu buux-dhaafisay Xafiiska Madaxweynaha

daajis.com:-Warar hoose oo soo gaaray shabakadani, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu damacsan yahay inuu xilka ka qaado Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadiisa.

Warar hoose oo aan helnay ayaa tibaaxayo in Madaxweynaha uu wado Qorshe uu xilka uga qaadayo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka Abukaate Caydiid C/laahi Ilka Xanaf oo la sheegay inuu ka talaabay sharciga u degsan Xukuumada Xassan Sheekh ee ku saleysan ‘’Fulinta dano gaar ah’’

Wararku waxa ay sheegayaan in Abukaate Caydiid C/laahi Ilka Xanaf, uu kasoo horjeestay Arrimo badan oo kala dhaxeeyay Madaxweynaha waxaana sidoo kale lagu eedeeyay in uu ku tuntay Sharcigii Garsoorka, ka gadaal markii ay soo baxeen cadeymo muujinaaya in uu gacan bidixeen adeegsanaayo, taasi oo sababtay in Madaxweynaha uu go’aan ka gaaro Ilka xanaf.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa dhowr jeer loo gudbiyay dacwooyin ka dhan ah Abukaate Caydiid C/laahi Ilka Xanaf, kuwaasi oo ku saleysnaa is daba-marin lagu sameeyay dhismooyin dad ay lahaayeen oo uu u xukmiyay dad kale, sidoo kale boosas dhul ay lee yihiin dad maati ah, ayaa waxa uu u saxiixay rag uu jeebabkoodu buuxay.

Dukumiintiyo cadeymo ah, ayaa waxaa laga keenay Abukaate Caydiid C/laahi Ilka Xanaf kuwaasi oo muujinaayay ku tumasho Hanti qaran iyo is dabamarin dhul, waxaana horay u jiray Dacwooyin ka dhan ahaa Isaga oo horyiilay Madaxweynaha.

Sidoo kale, kiisaska ay qaado Maxkamada Sare ee Dalka, ayaa waxay la xiriiraan arrimaha guryaha iyo dhulalka banana, waxaana arrintaasi looga dhex faa’iideystay Is dabamarinta, iyadoona in kabadan 78 ruux ay Abukaate Caydiid C/laahi Ilka Xanaf ku heystaan iibsasho uu ku sameeyay Aqaladooda, halka kuwa kalane uu dhac hantiyeed ku sameeyay si uu ugu badbaadiyo Aqaladooda.

Dhanka kale, Wasaarada Garsoorka iyo Dastuurka ee Xukuumada Somaliya, ayaa waxay wadaa Qorsho ay ku laadeyso Damacyada Abukaate Caydiid C/laahi Ilka Xanaf, waxaana jiro warar hoose oo sheegayo in Madaxweynaha iyo Wasiirka Cadaalada ay isku kaashanayaan casilaada Abukaate Ilka Xanaf, iyagoona ku howlan diyaarinta shaqsiga buuxin lahaa booskaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada