Sargaal ka tirsan Ciidamada Dowlada oo lagu Toogtay Magaalada Muqdisho (Akhriso Magaciisa)

Sargaal ka tirsan Ciidamada Dowlada oo lagu Toogtay Magaalada Muqdisho (Akhriso Magaciisa)

daajis.com:-War hadda naga soo gaaray Degmada Kaaraan ayaa sheegaya in Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ay goor dhow Toogteen Sargaal ka tirsanaa Ciidamada Taraafikada ee Degmadaasi ka howlgalaayay.

Sargaalka la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu sheegay Yuusuf Xassan Cadow, waxaana Marxuumka Rasaasta looga dhuftay Madaxa iyo wadnaha iyadoona waxaana dilka kadib ay goobta ka baxsadeen Kooxihii dilka geystay.

Sidoo kale, Maamulka Degmada oo ka warbixiyay Dilkaasi, ayaa sheegay in dilkaasi ay usoo qabqabteen Labo dhalinyaro oo Bastoolado ku hubeysnaa, iyagoona Tilmaamay inay baadi goob ugu sii jiraan rag kale oo ay sheegeen inay ku lug lahaayeen Dilka Marxuumkaasi
Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in Howlgalo kala duwan ay ka fulin doonaan gudaha iyo daafaha Degmada waxa ayna Cadeeyeen inay sharciga la tiigsan doonaan Ruuxii ay ku qabtaan Fal dambiyeen.

Dilka Sargaalka ayaa waxa uu kusoo beegmayaa Xilli Ammanka Magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxaayo, islamarkaana ay Kooxda Alshabaab ku goodiyeen inay Kharijin doonan ruux waliba oo ay ku tuhmaan inuu la shaqeeyo Dowlada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada