Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamanaka oo Xusul duub ugu jiro qorsho lagu Joojinaayo Mooshin Culus oo laga soo wado …

Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamanaka oo Xusul duub ugu jiro qorsho lagu Joojinaayo Mooshin Culus oo laga soo wado …

daajis.com:-Warar hoose oo naga soo gaarayo Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jawaari ay wadaan qorshe cusub oo ay ku doonayaan inay isku hortaagan Mooshin ay damacsan yihiin in Golaha Shacabka ay ka keenaan Wasiirka Cadaalada Faarax Sheekh C/qaadir.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in ku dhawaan 74 Xildhibaan ay saxiixeen Mooshinkaasi, waxaana la sheegayaan in wasiir Faarax C.qaadir laga soo wado, ka gadaal markii ay faraha kasii baxday Calaaqadii ka dhaxeysay Golaha qaar iyo Wasiirka.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa iminka ku howlan xal ka gaarka Siyaasadaha hoose ee u dhexeeyo Wasiir Faarax iyo Xildhibaanada qaar, waxaana la Tilmaamayaa in Villa Somalia xilliyada Habeenkii lagu jeex-jeexo qaabka looga bad-baadi lahaa Mooshinka kusoo wajahan Faarax C/qaadir.

Lama Oga sida Arrintaasi ay u xalin doonaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baaralamaanka, iyadoona ay warar hoose sheegayaan inuu jiro isu soo dhawaansho rajo leh oo ay muujinayaan Xildhibaanada ku kacsan Faarax C/qaadir.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada