Sh.Cali Dheere :-Mujaahidiintu Waxay Lawareegeen in kabadan 5 Deegaanno oo Kenya Katirsan Tobaneeyo qofna way ku dileen"Dhageyso

Sh.Cali Dheere :-Mujaahidiintu Waxay Lawareegeen in kabadan 5 Deegaanno oo Kenya Katirsan Tobaneeyo qofna way ku dileen"Dhageyso


daajis.com:-Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa faah faahin dheeri ah ka bixisay weeraro xalay ka dhacay degmooyin katirsan wadanka Kenya. 

Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Al Shabaab oo shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidankoodu dad badan ku laayeen gudaha wadanka Kenya kadib markii ay xalay weeraro qorshaysan ku qaadeen tuulooyin iyo deegaanno.

Mas’uulkan ayaa shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in ciidanka mujaahidiinta ay xalay weerareen magaalada Hindi oo katirsan gobolka Xeebta Lamu iyo afar tuulo oo hoos yimaad gobolka Antanariifa.

Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in weeraradan ay ku dileen inkabadan 30 qof oo Nasaara ah ayna kamid yihiin askar iyo saraakiil booliska Kenya katirsan sidoo kalane ay kusoo furteen maxaabiis muslimiinta Kenya katirsan oo si gardarra ah xabsiyada dowladda Kenya ugu xirnaa.

Warkan kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in weeraradan ay jawaab celin u yihiin gummaadkii ciidana Kenya ka geysteen gobollada Gedo iyo Jubbooyinka iyo culimadii lagu laayay gobolka Xeebta dhaca ee Mombaasa.

Weeraradan shabaabul Mujaahidiin ay markale ku qaadday wadanka Kenya ayaa kusoo aadaya xilli ciidanka gumeysiga Kenya ay wali duullaan ku joogaan gobollo dhaca Koonfur galbeed Soomaaliya.


  Halkan ka degso Shirka Jaraa'id Ee Sheekh Cali dheere MP3

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada