Gabdho Somali mataano ah oo ku biiray Dagaalyahaanada Dacish (Warbixin Culus oo T

Gabdho Somali mataano ah oo ku biiray Dagaalyahaanada Dacish (Warbixin Culus oo T

daajis.com:-War ay baahiyeen Warbaahinta Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in Gabdho Soomaali ah oo ku noola Dalka Britain ay Habeenimadii xalay si lama filaan ah u Safreen, si ay ugu biiraan Kooxda meylka adage ee loo yaqaan Dacish.

Warbaahinta oo qoraal dheer ka qortay Arrinta gabdhahaani, ayaa waxa ay sheegen in Labadan gabdhood ee mataanaha ah laga waayay sariitooda saqdii dhexe ee xalay iyagoo lasheegay in dalka Britain diyaarad karaaceen si ay ugu biiraan kooxda Dacish ee dalka Syria iyo Iraq kadagaalanta.

Warbaahinta waxa ay daboolka ka qaaday in Sanajirka Gabdhahaasi uu yahay inta u dhaxeyso 15-17-sano waxaana la sheegay in Gabdhahaasi ay la noolaayen Qoyskooda oo degnaa Magaalada Manchester, iyagoona uduulay dhanka Dalka Turkiye si ay ugu sii gooshaan dalka Syria oo uu ka jiro Dagaal qaraaran oo u dhexeeyo Mucaaradka iyo Dowlada.

Gabdhahani oo Asal ahaan kasoo jeeda Dalka Somalia, ayaa waxa ay arrintooda murugo galisay qoyskooda oo iyagu goor dhow ku baraarugay in Carruurtooda ay u Jihaad doonteen Dalka Syria.

Mataanahaani ayaa iminka heysta dhalashada dalka England waxa ayna Habeenkii tagay si qarsoodi ah xilli lagu haleynaayay Jiif u ruqaansadeen Dalka Turkiga si ay uga sii baxaan Syria.

Dhanka kale, Wargeyska The Sun ayaa laga soo xiganayaa in gabdhahan ay duulimaad toos ah ugu safreen dalka Syria ,waxaana la’aamisanyahay in walaalkood kaween uu kamid yahay kooxda Dacish ee dalalka Syria iyo Iraq kadagaalanta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada