Gabdho Soomaali 16 jir ah oo ka tagay dalka Ingriiska oo ku biiray dagaalka Syria

Gabdho Soomaali 16 jir ah oo ka tagay dalka Ingriiska oo ku biiray dagaalka Syria

daajis.com:-Laba gabdhood oo walaalo mataano ah dhalashada dalka Ingiriiska na heysta ayaa lagu warramayaa inay ku biireen dagaalada ka socda dalka Syria iyo Ciraaq.

Gabdhahaan Soomaalida ah ayaa da’dooda lagu sheegay 16 sano jir, waxaana la sheegay inay xalay saqdi dhexe ka duuleen dalka Ingiriiska una jiheystay dalka Syria.

Waalidka dhalay ladan gabdhood ee mataanaha ah ayaa sheegay in gabdhahooda ay saqdi dhexe baxeen xilli ay hurdayeen, waxaana ay tilmaameen in guriga ayka waayeen.

Gabdhahaan 16 sano jirka ayaa deganaa magaalada Manchester, iyadoo haatan na booliska magaaladaasi uu wado baaritaano la xiriira dadka tikidada u jaray gabdhahaan u duulay dalka Syria.

Wargeyska Daily Mirror ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa xusaya in gabdhahaan walaalkooda ka weyn uu ka mid yahay dagaalyahanada Daacish eek a dagaalamaya dalalka Syria iyo Ciraaq.


Mudooyinkii u dambeeyay ayaa saxaafadda reer galbeedku ay aad u hadal hayeen Soomaali dhalasha ka heysta dalalka Mareykanka,Canada iyo Yurub ay u duuleen dalka Syria si uga qayb qaateen dagaalada halkaasi ka socda.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada