Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amaanka, Abaaraha iyo Hiigsiga Cusub+Sawirro

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amaanka, Abaaraha iyo Hiigsiga Cusub+Sawirro

daajis.com:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlayay xaaladda dalka, ayaa waxaa shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, waxaana goluhu warbixin ka dhageystay guddi loo xil-saaray gurmadka deg-deg ah, iyadoo dhanka kale goluhu dood ka yeeshay caqabadaha hortaagan fulinta barnaamijka Hiigsiga cusub ee (New Deal).

Ugu horreyn golaha ayaa warbixin ka dhageystay guddi heer wasiirro ah oo loo xil-saaray diyaarinta qorshaha gurmad ee Xukuumadda, waxaana ay sheegeen guddigu inuu xiriiro kala duwan la sameeyay hay’adaha samafalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisa, isla markaana ay codsadeen in gurmad loo fidiyo dadka tabaalaysan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in bulshada Caalamka iyo dadka Soomaaliyeed looga fadhiyo sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadka abaaruhu waxyeeleen.

Dhanka kale Golaha Wasiirrada ayaa dood adag ka yeeshay barnaamijka Hiigsiga Cusub ee (New Deal) oo Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka isla go’amiyeen shirkii magaalada Bruessels ee 16-kii September 2013, kaas oo ahayd in barnaamijka Hiigsiga Cusub uu noqdo hannaanka dhaqaalaha lagu siinayo dalka Soomaaliya si loo xoojiyo waxtarnimada kaalmada shisheeye.


Waxaana goluhu sheegeen inbarnaamijkaas sidii la filayey uusan u hirgelin, isla markaan la doonayo in la dar-dar galiyo qorshaha arrintaasi ku wajahan.


Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo Saxaafadda la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in golaha Wasiirradu ay go’aamiyeen sidii loo raadin lahaa xogta rasmiga ah ee ku aaddan waxtarka barnaamijka Hiigsiga cusub (New Deal) wixii ka qabsoomay mudadii uu socday, sidoo kalena wax badan looga ogaado qorshayaasha u yaalla si loo waafajiyo hadafyada dowladda uga dagsan higsiga sanadka 2016.


Ugu dambeyn, golaha Wasiirrada ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ku baraarugtay dhagarta ay maleegayaan kooxaha Nabad-diidku isla markaana ay ka bilaabatay gobolada qaar tallaabooyin lagula dagaalamayo Al-shabaab, iyagoo goluhu tilmaamay in Xukuumaddu ay garab taagantahay dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay sharciga la tiigsan doonto cid walba oo dhibaato ku haya dadka Soomaaliyeed.



—-DHAMAAD—

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada