VIDEO:- Gaari lagu soo xiray miino oo lagu qabtay degmada Cabdi Casiis+SAWIRRO

VIDEO:- Gaari lagu soo xiray miino oo lagu qabtay degmada Cabdi Casiis+SAWIRRO

daajis.com:-Hay`adaha amniga dowladda ayaa maanta fashiliyay gaari ruux shacab ahi lahaa kaas oo walxaha qarxa lagu soo xiray islamarkaana marayay nawaaxiga xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Maamulka degmada C/Casiis ayaa sheegay in dad shacab ahi ay kusoo wargeliyeen maamulka, dabadeedna maamulki uu isna kusii wargeliyay hayadaha amniga sidaas daraadeedna meesha lagu fashiliyay.



Afhayeenka hay`adda amniga iyo gudoomiyaha degmada C/casiis oo si wadajir ah saxaafadda ugula hadlay goobta gaariga uu yaalay ayaa uga mahadceliyay shacabka feejignaata ay muujiyeen, waxayna sheegeen in muwaadinkii soo sheegay abaalmarin la siiyay.

Waa markii labaad mudo isbuuc ah oo la fashiliyo gaari walxaha qarxa lagu soo xiray oo ay shacab soo sheegeen.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada