War Deg Deg ah:- Gaari miineysan oo lala damacsanaa in lagu qarxiyo Xarumaha Dowlada Federaalka oo goor dhow ku qarxay AMISOM ah.

War Deg Deg ah:- Gaari miineysan oo lala damacsanaa in lagu qarxiyo Xarumaha Dowlada Federaalka oo goor dhow ku qarxay AMISOM ah.

daajis.com:-Warka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose, ayaa sheegaya in halkaasi uu ku qarxay Gaari noociisu uu ahaa Kaarib oo kusoo wajahnaa Magaalada Muqdisho.

Wararku waxa ay sheegayaan in Gaariga uu waday Ruux makaanik ah, islamarkaana sheegay in Alshabaab ay ku balamisay inuu gaariga ku wareejiyo Ruux ku sugan Ex kontorool Muqdisho, hayeeshe inta uu kusoo socday Muqdisho ay gacanta ku dhigeen gaariga Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada DFS iyo AMISOM oo ka shakiyay gaariga ayaa waxa ay baaritaano ay ku sameeyen ka heleen gaariga Miinooyin, balse nasiib xumo iyagoo ku howlanaa gaariga waxaa ku qarxay gaariga, iyadoona halkaasi uu dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray Ciidamo ka kala tirsanaa AMISOM iyo Dowlada Federaalka oo gaarayay illaa 5ruux oo Seddex kamid ah ay ahaayen AMISOM.

Wadaha gaariga oo magaciisa ku sheegay Yuuusf c/llahi Qamiisow, ayaa sheegay inuu gaariga ugu talo galay inuu Magaalada Mudisho uga fuliyo Weerar ismiidaamin ah, balse uu ku dhacay gacanta Ciidamada Dowlada.

C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda Soomaaliya oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegaya in Qaraxa ay gacanta ku dhigeen, isagoona Tilmaamay in gaariga uu sii jeeday Magaalada Muqdisho islamarkaana uu weerar ismiidamin ah ka fulin lahaa Xarumaha Dowladda.

Siidii waxa uu sheegay in Qaraxyada ka dhaca Muqdisho laga soo maleego Gobolada Dalka, taasina ku tilmaamay mid iska ilaalinteeda ay ka jiifto Dowlada Federaalka.

Dhanka kale, Saraakiisha Ciidamada DFS ee Gobolkaasi ayaa xukuumada Somalia ugu baaqay inay iska ilaaliso gaadiidka yar yar ee kasoo baqoolo Gobolada Dalka, waxa ayna tilmaamen in gaadiidkaasi ay yihiin kuwa weerarada ka geysta Magaalada Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada