daajis.com:-Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Coonka oo maanta ka badbaaday isku day
dil balse weerarkaas uu ku dhintay Xildhibaan Maxamed Maxammuud Xeyd
ayaa ka warbixiyay sidda uu u dhacay weerarkaas.
Isagoo u warramayay Idaacadda VOA-da ayuu sheegay in weerarka uu
dhacay xilli ay rabeen in ay soo aadan xarunta baarlamaanka halkaasoo uu
maanta ka dhici lahaa kulan.
Wuxuu sheegay markii ay ka soo baxeen Hotelkii ay daganaayeen mar ay
ku soo dhow yihiin meel ku dhow Bangigii hore in baabuur nooca loo
yaqaano Rooneedka uu isku gooyay baabuurkii ay la socdeen isla markiina
ay billaabatay rasaas taasoo isla markiiba ku dhacday xildhibaan Xeyd
iyo askariga kaliye ee ay wateen.
“Gaariga ay la socdeen kooxda na weerartay waxaa uu iska dhigay in uu
na basaayo markii dambe ayuu nagu u maleenaayay kaddibna wuxuu
billaabay rasaas waxaana markiiba rasaas ku furay askarigeenii oo
bartilmaameed ahaa isla markiiba isaga ayaa dhintay iyo xildhibaan Xeyd”
ayuu yiri Xildhibaan Coonka.
Xildhibaanka ayaa la weydiiyay in ka hor inta uusan weerarka dhicin
in ay qabeen wax digniin ah, wuxuu sheegay in si caaddi ah ay saakay ka
soo baxeen.
“Waxa dhan hal daqiiqo ayey ku dhaceyn, xildhibaanka isagoo dhaawac
ayaan wadnay waxaana markii aan gaarnay Tiyaatarka wuu dhintay
xildhibaanka askarigana markii aan soo gaarnay irida hore ee madaxtooyda
ayuu ku dhintay waxaa kaloo dhaawac uu soo gaaray wiil ka mid ah
shaqaalaha baarlamaanka anniga wax dhaawac ah ima soo gaarin oo aan ka
ahayn in ay ku soo dhaceen muraayadaha gaariga” ayuu yiri Coonka.
Xildhibaan Coonka ayaa sheegay in marka loo eego sidda ay maanta wax u
dhaceen in ay muujineyso in ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha ka
baxay.
Xildhibaan Coonka waa markii labaad oo uu ka badbaado dil hadda ka
hor waxaa lagu weerarray isaga iyo xildhibaanno kale baarbuur uu watay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:33 and have
, Published at