Xog: Muxuu salka ku hayaa welwelka ka dhashay xadaynta badda Somalia?

Xog: Muxuu salka ku hayaa welwelka ka dhashay xadaynta badda Somalia?

daajis.com:-Dhawaan waxaa soo baxday warar sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu warqad u qoray golaha ammaanka QM taasoo uu ku faah-faahinaayo in dowladiisa ay diyaar u tahay in lagala hadlo xadeynta badda Soomaaliya.


Haddaba arrintaas waxay dhalisay muran aad u weyn taasoo la xiriirrta in markale la soo celiyay in badda Soomaaliya lagu gorgortamo halka ay ku egtahay.

Xildhibaanno iyo dad aqoonyahano ayaa ka hadlay arrintaas iyagoona ka digay in Soomaaliya oo weli ah dal itaal daran dowladda ka jirtana awood u lahayn in ay iska difaacdo horarka lagu yahay badda Soomaaliya.

Haddaba weriyaha BBC-da ee Muqdisho Maxamad Ibraahim Mucalimmu ayaa waxa uu arrintaas waraystay Admiral Faarax Cumar ( Faarax Qare) oo ah madaxa hay’adda cilmi baarista baddaha Soomaliyeed.

Wuxuu sheegay in waxa la isku heesto ay tahay wadahadallada laga furaayo xadeynta badda ee aan ahayn in laga hadlo badda Soomaaliya iyo halka ay ku egtahay.

Wuxuu sheegay in badda Soomaaliya halka ay ku egtahay uu cad yahay isla markaana uu muran ka dhalan karin sidda uu hadalka u dhigay.

Isku soo duub waxaa markale soo labo kacleeyay arrinta ku saabsan xadeynta badda Soomaaliya taaso kal horre ay ku fadeexoobeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladihii KMG ah ee dalka soo maray, kuwaasoo sumcad xumo ay ku dhacday.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada