XOG: Shaqaalaha Airport-ka Muqdisho Oo al-Shabaab U Adeegsaneyso Fulinta Qaraxyo.

XOG: Shaqaalaha Airport-ka Muqdisho Oo al-Shabaab U Adeegsaneyso Fulinta Qaraxyo.

daajis.com:-Ciidamada dowlada Soomaaliya oo ka koobnaa Nabad Sugid , boolis iyo ciidamada AMISOM ayaa waxay baaritaano ka sameeyeen xafado kamid ah degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Howlgalka Ciidamada isbeheysanaya ay sidawadajirka ah u sameynayeen ayaa u muuqday in si gaar ah loogu beegsanayaya garashyada baaburta oo Dowladdu ay u aragto inay tahay halka gawaarida qaraxyada looga xiro.

intii uu howlgalka socday waxaa gacanta lagu dhigay Labo gaari oo Carib ah oo laga qabtay Garaash ku yaala isgoyska Al-Barako ee Degmada Hodan iyadoo Suxufiyiinta la tusay waxyaabo qarxa oo mid kamid ah saarnaa.

Saraakiisha Howlgalka hogaaminyay ayaa si hoose noogu sheegay in Qaraxa la qabtay lala damacsana Garoonka Diyaaradah Magaalada Muqdisho.

Meelaha sida gaarka ah Baaritaanada looga fuliyay ayaa waxaa kamid ah Degmooyinka Wadajir iyo Hodan.

Dhanka kale wararka kale ayaa sheegaya in gaari waxyabaha qarxa ay ku jireen lagu qabtay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kaasi oo loo malaynayo inuu watay mid kamid ah shaqaalaha garoonka diyaradaha ee Muqdisho.


Sarkaal ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya ayaa Warbaahinta Daajis u sheegay inay al-Shabaab wado qorshe ay ku dooneyso inay qaraxyo waa weyn ka fuliso Airport-ka Muqdisho iyadoo adeegsaneysa qaar kamid ah Shaqaalaha Airport-kaasi ka howl-gala isla markaana Baabuurtaan ay qabteen lala damacsanaa howl-galkaasi balse ay jiraan 3-baabuur oo Qaraxyo lagu xiray kuwaasoo magaalada ku jira oo ay baadi goobayaaan.

Maanta waa 17-ka Ramadaan xiligasi oo Alshabaab ay u asteeyaan inay qaraxyo iyo dilal ka geysanayaan magaalada Muqdisho

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada