Col. Tuur Yare “Qofkii Shabaabnimadiisa cadaato, ma nagu daahayo waa dil toogasho ah”

Col. Tuur Yare “Qofkii Shabaabnimadiisa cadaato, ma nagu daahayo waa dil toogasho ah”

daajis.com:-Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida G/sare C/raxmaan Maxamed Tuur Yare ayaa sheegay in sharci adag ka soo saareen qofkii ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku cadaata in dil toogasho ku xukuman yahay.

C/raxmaan Tuur Yare oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in markii ay dib u xeeriyeen qaanuunka dalka u yaala, lana tashteen garyaqaano, wixii hada ka dambeeya ay dil toogasho tahay qofkii Shabaab ka tirsan.

“Markii aan dib u xeerinay sharciga noo degsan, sharciyaqaano la tashanay, qofkii Shabaabnimadiisa ku cadaato waa dil toogasho, ma nagu daahayo, waxaa dhici jirtay in labo sano lagu xukumo taas waa dhiira gelin, hadhow markii la sii daayo ayuu dib ugu laabanayaa”ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida.

Waxaa uu sheegay inay sharci daro tahay ka mid ahaanshaha Urur Argagixiso, isla markaana sharciga ay la tiigsanayaan cidii lagu helo ama ka tirsan ay dil toogasho tahay, isla markaana ay tahay wax caalamka ka jirta sida uu yiri.

“In la xanuujiyo oo sharciga lala tiigsado waaye, dalka dagaal ayuu ku jiraa, Shabaabka qaanuun loo hayaa, waa qof dad dili rabay, adoo qofkii dili laheyd u socda oo aadan dilin waxay la mid tahay inaa dishay”ayuu yiri C/raxmaan Tuur Yare.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa fariin u diray dadka ka midka ahaa Shabaab ee isaga baxay inay isa soo diiwaan geliyaan, si waxbarasho loogu diro.

“Lagaa yeeli maayo adoo shabaab laguugu ogaa, maanta waa ganacsanayaa, waa inaad isa soo diiwaan gelisaa, markaa isa soo diiwaan geliso, wixii lagu shubay ayaa laga dajinayaa, waxbarasho laguu dirayaa, Madaxweynaha wuxuu ku baaqay in qofkii soo gala inuu cafis yahay”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta labo nin oo lagu eedeeyay inay dileen Gabar ardayad aheyd oo ka qalin jebisay Jaamacad dil toogasho ah ku fulisay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada