Yuusuf Indha cadde oo afka kala furtay iyo Madaxda dalka oo uu ku eedeeyay inay ka dambeeyen Weeraradii lagu qaaday xarumaha Dowladda.

Yuusuf Indha cadde oo afka kala furtay iyo Madaxda dalka oo uu ku eedeeyay inay ka dambeeyen Weeraradii lagu qaaday xarumaha Dowladda.

daajis.com:-Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cade Yuusuf Indha cadde oo kamid ahaa Saraakiishii hore ee Dowlada Somalia, ayaa waxa uu isagoo la hadlaayay Warbaahinta Maxaliga sheegay in Weerarada lagu qaadayo Xarumaha Dowlada ka dambeeyan Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Dowlada.

Yuusuf Indha Cadde waxa uu si cad u sheegay isagoo ka hadlaayay Ammaanka Magaalada Muqdisho in Saraakiil iyo Madax ka kala tirsan Xafiisyada Madaxweyn, Ra’isulwasaraha iyo Baarlamaanka ka shaqeeyaan taasina tixraaceeda looga baahan yahay inay cadeymo ka bixiyaan dadkii mas’uuliyada ka ahaa dadkaasi.

‘’Waa hubaal in Xafiisyada madaxda Dowlada ay ka buuxaan rag la shaqeeyo Alshabaab, ragaasi iskama imaan ee waxaa keenay ama Mas’uul ka ahaa rag ka tirsan Dowlada, dowladuna uma diyaarsano inay dabagal ku sameyso raga la shaqeeyo Alshabaab iyo raga kale’’ Ayuu yiri Indhacade

Indha Cadde, ayaa waxa uu Madaxweynaha ugu baaqay inuu baaritaano ku amro Saraakiisha ka shaqeeyo Madaxtooyada si meesha looga soo dhex saaro raga ka tirsa Alshabaab, haddii taasi laga waayo ay suuragal noqon karto in weerar kuwii hore ka tirsan lagu qaadi karo Xarumaha Dowladda.

Dhanka kale, waxa uu Indha cadde ka digay in xarumaha Dowlada loo ogolaado inay galaan Ciidamo aan la garaneynin ama aan ka tirsaneyn kuwa xaruntaasi jooga, wuxuuna daboolka ka qaaday inay jiraan weeraro kale oo lala gaadayo in laga geysto Xarumaha Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Ra’isulwasaaraha. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada