Al-Shabaab oo ka Warbixisay Qasaaraha Dhimasho ee kasoo gaaay Dagaalkii Buulo Burde.

Al-Shabaab oo ka Warbixisay Qasaaraha Dhimasho ee kasoo gaaay Dagaalkii Buulo Burde.

daajis.com:-Xarakada Al-Shabaab ayaa faah faahin ka bixisay dagaal Culus oo xalay saqdii dhaxe ka dhacay Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, dagaalkaa oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo wada jira iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Afhayeenka Dhinaca Howlagalada Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guulo ay ka gaareen Duulaan xalay Al-Shabaab ku qaadeen Saldhigyo ciidan oo kuyaala Degmada Buulo Burde.

Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkii xalay ku qaadeen Ciidankooda saldhigyo kuyaala Degmada Buulo Burde in ay ku dileen ilaa Sagaal askari oo katirsan Ciidamada AMISOM iyo afar askari oo katirsan Ciidanka Dowlada.
Afhayeenka Al-Shabaab ayaa dhankooda qiray in uu jiro qasaaro dhimasho iyo mid dhaaac oo dagaalka kasoo gaaray , waa uuna xusay Afhayeenka Dhinaca Dagaalada Al-Shabaab in dagaalkii xalay uga dhinteen ilaa shan Dagaalyahan.

Talisyada Ciidamada AMISOM iyo kan Ciidanka Dowlada ee Gobolka Hiiraan ayaan wali faah faahin ka bixin qasaaraha ka dhashay dagaalkii cuslaa ee xaay ka dhacay Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan halkaas ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada